Saturday, January 16, 2016

Kenya oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay xuduuda iyo diyaarado dagaal oo la socda

Dowlada Kenya ayaa ciidamo aad u farabadan shalay soo dhigtay xuduuda degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya la wadaagto degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ciidamadaani oo si aad ah u qalabeysan ayaa waxaa la dhigay koontaroolo badan oo xadka ku yaala waxaana sidoo kale wehlinaaya diyaarado Helekobter ah.
Ciidamadaani oo laga soo kala uruuriyay Gobolo dhowr aha oo ku yalla dalka Kenya ayaa waxaa ujeedkooda lagu sheegay inay ka hortagaan weeraro kale oo ay Alshabaab ka geystaan dalka Kenya, sida warku sheegayo ciidmadaasi ayaa wata gaadiid aad u badan oo ah kuwa gaashaaman,sidoo kalena waxaa la socda diyaradah nooca qumaatiga u kaca,waxaana la sheegay in degmooyin kale oo ku yalaa xadka labada dal iyana la geeyay ciidamo kuwaasi la mid ah.
Weerarkii ay Al-shabaab ku qaaden Xarunta ciidamada Kenya ee degmada Ceelcadde, ayaa saamayn guud ku yeeshay dalka Kenya, waxaana isla shalay soo baxday digniin ay soo saareen Booliska Kenya, taas oo tilmaameysa suurtagalnimada in weeraro kale ay ka dhici karayaan dalkaasi, ciidamo lamid ah kuwa lasoo dhoobay Xadka ayaa waxaa lagu daadiyay magaalada Nairobi iyo Mombassa kuwaasi oo ha hal u baaraya gaadiidka shacabka iyo kuwa laga shakiyo.
Amarka lagu baaraayo gaadiidka ayaa waxaa bixiyay Taliska Booliska Kenya, waxa uuna walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada Alshabaab ay kawadaan xuduuda iyo qeybo kamid ah Kenya, arrintaani ayaa imaaneysa xili Afhayeenka Guud ee Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere, uu ku hanjabay shalay inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada Kenya iyo guud ahaan dalka Kenya , illaa iyo inta ay isaga baxayaan dalka Somaliya ciidmada Kenya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RXOD6R
via IFTTT

No comments:

Post a Comment