Wednesday, January 6, 2016

Xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo loo diiday inay galaan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool

Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa waxaa shalay laga hor istaagey inay gudaha u galaan Degmada Ceelbarde Ee Gobolka Bakool, Waxaana sida lasheegay hor-istaag ku sameeyey maleeshiyo daacad u ah Maamul ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan looga dhawaaqay deegaano hoostaga gobolka Bakool, kaas oo la baxay bakool sare.
Sida warku sheegayo Xildhibaanada oo diyaarad ka raacay Xarunta Gobolka Bakool Ee Magaalada Xudur, ayaa laga horjoogsaday inay gudaha u galaan Ceelbarde, waxaana lagu wargeliyay inay dib ugu laabtaan Xudur, oo maalmahaanba ay ku sugnaayeen, wararka laga helaayo Gobolka Bakool, ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaanadan ay ergo ahayn ugu socotay Degmada Ceelbarde, si dadka deegaanka ay ugala hadlaan cabashadooda ku aadan Maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi (Xerow) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee taageersan Maamulka Bakool Sare, ayaa sheegay inuu taageersan yahay ciidamadii ammaanka ee Xildhibaanada dib u celiyay, wuxuuna sababta ku sheegay in ciidmada diiday inay xildhibanadaasi soo galaan Ceelbarde ay ka hortaggeen dagaal ka dhici lahaa Degmada Ceelbarde, sababo ku aadan, iyadoo aanay Xildhibaanadaasi ka soo jeedin sid uu yiri Degmadaasi.
"Xildhibaanada la celiyay waa saaxibadey, laakiin deegaankan uma dhalan, wax wanaag ahna uma socon, in la celiyo waan soo dhaweynayaa, waxaan u mahadcelinayaa ciidamadii celiyay, haddii kale meeshaasi dagaal baa ka dhici lahaa" ayuu yiri xildhibaan Xeerow, wuxuuna yiri "Ceelbarde waxaa ka jira Maamul ay dhisteen dadka deegaanka oo rabitaankoodu ku shaqeeya, xildhibaanaduna wax wanaag ah uma socon".



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1mE3jNg
via IFTTT

No comments:

Post a Comment