Wednesday, January 20, 2016

C/weli Gaas: Puntland marnaba ma ogolaan doonto in wax lagu qeybsado nidaamka 4.5, dadka ku dheganna way…

Madaxweynaha Puntland oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa mar kale ku celiyey in aan shirkii Kismaayo bur-burin ee hadalku meel wanaagsan gaarey dhamaystirna rabo, isaga oo soo xiganaya hadalkii Raysalwasaaraha Soomaaliya Sharmaarke.
Madaxweynaha Puntland oo si toos ah loo weydiiyey in Puntland ay ka soo debecdey ama ka tanaasushey Aqalka hoose in deegaan lagu soo xulo isla markaana ogolaadey 4.5, laakiin lagu kala kacay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada Aqalka sare, ayaa ku tilmaamey mid aan jirin oo aysan Puntland marna ka tanaasulin in deegaan lagu soo xulo Xildhibaanada.
Madaxweynaha ayaa la weydiiyey inay jireen wax uu ka tanaasuley, waxa uu ku jawaabey waxaan haysanaa Mandate aan gor-gortan ku galno oo ay na siiyeen shacabka Puntland, wuxuu meesha ka saaray in go'aamada qaar la isaga kacaayo ama la isaga tanaasualayo.
Kadib shirkii natiijo la'aanta ee Kismaayo ayaa warar ka soo baxay sheegeen in Puntland iyo Jubaland ay ogolaadeen in Aqalka hoose lagu soo xulo 4.5 iyo deegaan isku dhafan halka Aqalka sare lagu soo xulo 18-kii gobol ee Soomaaliya ay lahayd ka hor 1991, kaas oo dastuurkuna qabo.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aysan jirin weli goor iyo goob sax ah oo dib loogu ballamey, isla markaana aysan weli helin wax marti qaad ah, laakiin ay maqleen in shir labaad la isugu imaanayo oo ay tegayaan iyaga oo ilaalinaya maslaxadda umadda Soomaaliyeed.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1OyhvjS
via IFTTT

No comments:

Post a Comment