Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahin iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa shalay booqasho ku tagey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe,waxa ayna isla shalay booqdeen xarumaha lagu qabanayo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa warbixin ka siiyay wafdiga ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha heerka uu marayo diyaargarowga shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Proff Yaxye Cali Ibrahin ayaa markii uu soo booqday goobaha lagu qabanayo shirka iyo hotelada magaalada Jowhar ayaa waxa uu ka hadlay ujeedada booqashadiisa,wuxuuna yiri"Waxaa ay booqashadeena dabajoogtaa mid uu hore ugu yimid magaalada Jowhar wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada soomaaliya C/raxmaan Odowaa, waxaana ay tahay booqashadeena inaan aragno diyaargarowga magaalada martigelinta shirka ballaaran ee noqonaya kii ugu dambeeyay ee dalka laga qabanaayo."ayuu yiri Yaxye.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in shirka maamul u sameynta labada gobol uu toddobaadka soo socda ka furmi doono magaalada Jowhar, ammaanka magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo ay isla shalay ay bilaabeen ciidamada nabadsugida inay baaritaan ka sameeyaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.
Sidoo kale qoraal ka soo baxay xafiiska maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa lagu sheegay in dhammaan ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Jowhar laga fasaxay waxbarashadooda oo uu mamulka u soo hormariyay fasaxii ay geli jireen marka uu dhamaado sanad dugsiyeedka.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1POIPdT
via IFTTT
No comments:
Post a Comment