Sunday, January 17, 2016

Askari Kenyaan ah oo gacanta ugu jira Al-shabaab oo ka hadlay weerarkii degmada Ceelcadde

Askari Kenyan ah oo ka mid ah ciidamadii ay Al Shabaab ku qabteen dagaalkii deegaanka Ceelcadde ee gobolka gedo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkaasi iyo cidda gacanta ku haysa hadda, askarigaasi oo lagu magacaabo Lawrence Rinui Kamau, ayaa ka mid noqday 12 askari oo ay gacanta ku dhigeen Al Shabaab, markii ay Jimcihii cagta mariyeen Xeradii ay ciidamada Kenya ku lahaayeen Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo.
Lawrence Rinui, ayaa sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Kiambu Ee Bartamaha Kenya, isagoo Warbaahinta Al Shabaab u sheegay in uu ka dhashay qabiilka/beesha Kiyuyu, oo uu ka dhashay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.
"Magaceygu waa Lawrence Rinui Kamau, waxaan ahay muwaadin Kenyan ah oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), waxaan ka soo jeedaa Gobolka Bartamaha Kenya ku yaala ee Kiambu County, waxaana ka dhashay qabiilka Kikuyu. Sidoo kalana waxaan ahay nin xaas iyo caruur leh, da'deydu waa 30 jir, muddo toddobo sano ah ayaana ka tirsanaa Ciidanka Kenya. Waxaan Somaliya ku sugnaa muddo laba todobaad ah" ayuu yiri Lawrence Rinui Kamau.
Mar uu ka hadlaayay qaabka uu ugu gacanta galay Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in 5-tii subaxnimo maalintii Jimcaha, ay Al Shabaab weerar ballaaran ku soo qaadeen Xeradoodii, ayna Shabaabku cagta mariyeen fariisimihii uu ku sugnaa sida uu yiri.
"15-kii bishii January 2016-kii ayay weerar culus nagu soo qaadeen Al Shabaab, iyagoo noo awood sheegtay, cagtana mariyay Saldhigii ciidan ee aan ku sugnaa. Inta badan saxibadey waala laayay, qaarna waa dhaawacmeen, aniga iyo qaar kalana waxaan ku dhacnay gacanta Al Shabaab, ka dib markii dagaalka nalagu soo qabtay. Weerarku wuxuu nagu bilowday abaarihii 5-ta subaxnimo, iyadoona ay Ciidanka Al Shabaab inoo awood sheegteen." Ayuu yiri askariga maxbuuska ah.
Askarigan, ayaa Dowladda Kenya iyo Amisom ugu baaqay inay ka shaqeeyaan, sidii uu kaga soo bixi lahaa gacanta Al Shabaab, si isaga iyo askarta kale ee lala soo qabtayba, ay u hellaan nolol nabadgelyo leh.
"Waxaan rabaa inaan dhambaal farriin ah gaarsiiyo Dowladda, shacabka Kenya iyo sidoo kale Amisom, waxaana ka dalbanayaa inay ka shaqeeyaan, sidii si nabadgelyo ah la'igu sii dayn lahaa, si ay noogu suurtagasho inaan u helno nolol nabadgelyo leh, dibna aan ula midoobi lahayn qoysaskeena. Haddii ayba suurtagal tahay." Ayuu yiri Lawrence Rinui.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1lmgfpw
via IFTTT

No comments:

Post a Comment