Saturday, January 2, 2016

Faysal Cali Waraabe: Madaxtooyada Somaliland inaynu dumino oo aan cagaf marinno ayy aheyd si aanu raadkii Moorgan u sii joogin

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay ahayd in la burburiyo oo weliba cagaf la mariyo qasriga madaxtooyada Somaliland maadaama buu yiri uu ahaa gurigii Moorgan, guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ninkii dadka reer Somaliland xasuuqay gurigiisii uu xukuumadda Somaliland u yahay Qasri madaxtooyo. Isagoona sheegay in ay ahayd in la dumiyo si aanu raadkiisu usii joogin.
''Gurigaa ceebteena Moorgan dhistay anigu garan maayee maxaynu niraahnaa?, Qasriga Madaxweynaha ayay yiraahdaan, Moorgan baa dhistay… ninkii dadka gawracay baa dhistay , inaynu duminno bay ahayd inaynu cagaf marinno si aanu raadkiisu usii joogin, innagu waxaynu ula baxnay qasriga madaxweynaha'' ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ZHgTxp
via IFTTT

No comments:

Post a Comment