Saturday, January 2, 2016

Shirka Kismaayo uga furmayo dowladda Somaliya iyo maamul goboleedyada oo laga cabsi qabo inuu dib u dhac ku yimaado

Warar aan si rasmi h loo xaqiijin ayaa sheegayainey suurtagal tahay inuu dib u dhaco kulanka la filayo in dhinacyada Soomaalidu isugu yimaadaan magaalada Kismayo Jan 10,2016 sidii horey loo qorsheeyey,waxaana jira warar kala duwan oo tilmaamaya sababaha loo aaneynayo inuu shirkasi dib u dhaco, kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu qaadaco ka qeybgalka shirka ee magaalada kismaayo, madaxweynaha maamulka Koofur Glbeed magaalada sababo la xiriira maamulka dhawaan lagaga dhawaaqey deegaano ka tirsan gobolka Bakool, kadib markii Maamulkaasi oo loogu magacdarey Bakool Sare uu aqoonsadey maamulka Puntland, sidoo kalena uusan wax diidmo ah ka muujin maamulka Jubbaland.
qodobada kale dib u dhaca laga cabsi qabo ayaa ah in ergeyga cusub ee qaramada midoobey u qaabislan arrimaha Soomaaliya uu qorsheynayo in shirka Kismaayo ka hor uu safaro ku baxsho qaybaha kala duwan Soomalia,islamarkaasna uu kulamo kala duwan la yeelanayo madaxda dowladda soomaaliya iyo kuwa maamulada dalka ka jira,ka hor inta aan shirka la qabanin,kulamadaasina ay waqtiga shirka dib u riixayaan.
Ma jiro ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda soomaaliya iyo qaramada midoobay oo xaqiijinaya in shirkaasi waqtigii loo qorsheeyey oo ah 10 bisha bishan uu dib uga dhacayo, iyadoo dhinaca kale maamulka jubba ee shirkaasi gogoshiisa dhigayaahi uusan sheegin wax dib udhac ,halka dhinaca kale uu sheegay inay wadaan diyaargarow ku saabsan shirkaasi.
Kulankii magaalada Muqdishu lagu qabtey bishii hore ayaa madaxda maamulada ka jira Soomaaliya iyo dowlada soomaaliya waxa ay ku gaariwaayeen go,aan mideysan oo la xiriira qaabka lagu soo xulayo Baarlamaanka Federaalka marka lagaaro dabayaaqada sanadkan 2016.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R8fjmS
via IFTTT

No comments:

Post a Comment