Sunday, January 17, 2016

Mareykanka oo sheegay inay xoojinayaan xiriirka Diplomaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalka Soomaaliya

Waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in danjiraha cusub ee Maraykanka ee dhawaan loo soo magacaabay dalka Soomaaliya, Stephen Michael Schwartz inay isaga iyo Ergadda Diplomaasiyiinta la socota si KMG ah uga hawlgeli doonaan Safaaradda ay Maraykanka ku leeyihiin caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in sababo dhinaca Ammaanka uusan haatan Safiirka uga hawlgeli karin magaaladda Muqdisho ama guud ahaan Soomaaliya, sababo la xiriirta dhinaca ammaanka.
Bayaanka waxaa kale oo lagu fasiray in soo magacaabista Danjire Stephen Michael Schwartz looga dan leeyahay sidii caadi looga dhigi lahaa Xiriirka Diplomaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalka Soomaaliya Bishii Janaayo ee sanadkii 2013-kii, ayey Dowladda Maraykanka ku dhawaaqday inay aqoonsan tahay Dowladda Federalka Somalia, iyadoo uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry booqasho 3 sacaadood ah ku yimid magaalladda Muqdisho bishii May ee sanadkii hore.
Dowladda Maraykanka waxay Taageero Diplomaasiyadeed, mid Dhaqaale iyo mid Milliteri siiyaan Dowladda Federalka iyo Howlgalka AMISOM ee dagaalka kula jirta Xarakadda Alshabaab, xiriirka dowladda Maraykanka la leedahay Somalia ayaa waxa uu go'ay sannadkii 1991-kii, kadib, markii ay burburtay Dowladdii Kacaanka ee Somalia, isla markaana ay Somalia madaxa la gashay dagaallo sokeeye oo muddo badan socday



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ZFU28I
via IFTTT

No comments:

Post a Comment