Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khudbad u jeediyay shacabkiisa, ayaa ka hadlay xaalada weerarkii Al-shabab ku qaaday ciidamada dalkiisa ee ku sugnaa xerada ku taala degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo oo qasaare baaxad leh ka soo gaaray ciidamada dalkiisa.
Kenyatta ayaa ciidamadiisa ku amaanay geesinimo ay muujiyeen kadib weerarkii al-shabaab ku qaaday sida uu yiri, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada Kenya ay Soomaaliya u joogaan inay difaacaan qaranka Kenya iyo dowladda.
"Geesiyadeena dhintay waxaa lagu soo celinayaa dalka, kuwa dhaawaca ah waxay ku jiraan baxnaano, waxaan nahay qaran is heysta oo xoog badan, mana na cabsi gelin karaan Al-shabaab" ayuu yiri Madaxweynaha Kenya, wuxuuna xusay madaxweynaha Kenya in xilliga uu hadlayo in ciidamada Kenya ay wadaan howlgallo balaaran oo isugu jira badbaadin, baadigoob iyo dagaal… wuxuu ku goodiyey in Alshabaab laga qaadi doono tallaabo adag oo ay ka shalayn doonaan dembiyadii ay geysteen sida uu yiri
"Ciidamadeena dhiigga ka daatay kuma bixin meel eber ah, sanado badan waxaan taageereynay dadka iyo dowladda Soomaaliya si loo jebiyo Alshabaab" ayuu yiri Uhuru Kenyatta, wuxuu Alshabaab ku sheegay inay yihiin caddowga nabadda iyo dimoqraadiyadda ay u dagaalameen, wuxuuna ku dhaartay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab ilaa inta laga burburiyo sida uu yiri.
Al-shabaab oo sheegay inay ciidamada Kenya kaga dileen weerarkii Ceel Cadde in ka badan100 askari,kuwo kalena sheegay inay nolosha ku hayaan ayaan weli ka hadlin hadalka ka soo baxay madaxweynaha dalka Kenya oo ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadi doono Al-shabaab.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1T3oQLq
via IFTTT
No comments:
Post a Comment