Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr, Tedros Adhanom oo shalay ka qeyb galay munaasabadii caleema-saarkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ee ka dhacday Baydhabo ayaa sheegay in Kenya ay uga aar-gudi doonaan Al-Shabaab sida uu sheegay.
Tedros Adhanom ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay in ay Al-Shabaab Jab gaarsiiso si ay ugu aar-gudo Ciidamada Kenya, waxaana uu xusay in xilligan Al-Shabaab la wiiqay, ayna sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Soomaaliya ka taageerayaan, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa meelaha ay ka sugan yihiin dalla soomaaliya,wuxuuna intaasi ku daray in mar walba ay diyaar u yihiin in dowladda soomaaliya ay taageeraan, isagoo xusay in ammaanka deegaanada Koofur Galbeed uu muhiim u ahaa Itoobiya sida uu yiri.
Al-Shabaab ayaa jimcihii la soo dhaafay weerar culus ku qaaday deegaanka Ceel-Cadde oo saldhig u ah Ciidamada Kenya, halkaas oo lagu dilay askar ka badan 100-askari, waxaana uu ahaa khasaarihii ugu ballaarnaa ee soo gaara Ciidamada Kenya tan iyo markii ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QdtcNr
via IFTTT
No comments:
Post a Comment