Wednesday, January 13, 2016

Xubnihii IGAD oo Kismaayo ka amababaxay iyo Maxamed Cabdi Afay oo bixiyey wareysi shirka Kismaayo ku…

Danjire Maxamed Cabdi Afay oo wareysi uu bixiyey kagaga hadalay Xaalada Shirka Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in IGAD iyo Beesha Caalamku ayna wax shaqo ah kulahayn shirka Magaalada Ksimaayo uuna shirkaasi gaar u yahay soomaalida shirka ka qeybgalaysa ,Wuxuuna intaasi ku daray in Ergooyinka Beesha Caalamku ay sugayaan wax ka soo baxaya Shirka sida dadka Soomaalidu ay u sugayaan natiijada si lamid ah.
Danjire Maxamed Cabdi Afay ayaa Waxa uu iska fogeeyey in isaga danjire ahaan iyo Xubnahan kale e IGAD ay wax shaqo ah ku leeyihiin arrimaha shirka Kismaayo, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u taalo talada iyo go'aanka ay qaadanayaan marna ayna iyadu la wadaagaynin wax shirka ka soo bxii doona,wax kasta oo ay isku raacaanna ay qaadanayaan oo ay soo dhaweynayaan.
"Waxaan hubaa in aysan is afgaran waayi doonin,waayo waa Madax Soomaaliyeed oo natiijo laga sugayo,iyaga ayuu waajib saaranyahay oo la sugayaa iyaguna way ogyihiin in waajibkaas uu saaran yahay"ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdi Afay
Danjire Maxamed Cabdi Afay ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in kismaayo ay ka tageen xubnihii IGAD ka socday ee ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda iyo xubno kale oo uu isagu ka mid yahay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ROtCLX
via IFTTT

No comments:

Post a Comment