Wednesday, January 13, 2016

Bill Clinton: Faragelintii ay dowladeyda ku sameysay Soomaaliya waxay igu beertay baqdin iyo niyad xumo, siyaasad ahaanna dhaawac weyn ayey isoo gaarsiisay kadib markii

Xafiiska madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton ayaa faafiyey qoraallo laga sameeyey kulamo iyo xiriiro talefanka ah oo dhexmaray Bill Clinton iyo raysawasaarihii xilligaas ee Ingiriiska Tony Blair. Talefishanka CNN ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in qoraalada la faafiyey ay dhan yihiin 532 bog oo lagu ururiyey sheekooyin marar kala duwan labadan hoggaamiye dhex maray toos iyo talefanka labadaba, gaar ahaan kuwo ay kaga wada sheekaysteen dhibaatooyinkii iyo dhacdooyinkii siyaasiga ahaa ee jiray xilligii ay talada dalalkooda gacanta ku hayeen.
Qoraalladaasi oo sababta loo baahiyey ay ahayd dalab ka yimid Idaacadda BBC oo dowladdeeda cadaadis ku sartay in qoraalladaas la sii daayo iyada oo lagu dhaqmayo xeerka iyo mabda'a xorriyadda xog helidda.
Qoraalladdaasi ayaa lagu ogaaday warwarkii xad dhaafka ahaa iyo culayska nafsiga ah ee ay Madaxweyne Saddaam Xuseen iyo sidoo kale ciidamadii Maraykanka ee Soomaaliya joogay xilligaasi ku hayeen Bill Clinton, oo Tony Blair taleefanka uga sheegay in uu aad uga baqanayo in ciidamo Maraykan ah oo dambe uu dagaal u diro. Isaga oo xasuusiyey in farogelintiisii Soomaaliya ee xilli-xileedkiisii hore ay ku beertay baqdin iyo niyad xumo, siyaasad ahaanna ay dhaawac weyn soo gaarsiisay, kadib markii ciidamadii Maraykanka lagu laayey Muqdisho.
Clinton waxa uu saaxiibkii ugu calaacalay in dhacdadaasi ahayd wixii ugu xumaa ee soo maray afartiisii sano ee hore ee madaxnimadiisa, oo ay ku noqotay riyo cabsi badan iyo salal, "Waxa uu damiirkaygu dareemayaa in aan si shakhsi ah masuul uga ahaa maydka ilmahaas (Askarigaas) lagu jiid-jiiday waddooyinka" ayaa uu yiri Clinton.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PZsweD
via IFTTT

No comments:

Post a Comment