Ciidamada itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ee Soomaaliya Ayaa wali wada daargureynta ciidamadooda ay ku geynayaan Magaalada Kismaayo,iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn tirada ay ciidamada itoobiya halkaasi geeyeen taas oo shaki laga qabo in tiro ka badan tii horey loogu qoondeeyey ay halkaasi gaartay
Sida warku sheegayo ciidamada itoobiya ee halkaasi la geeyey ayaa saldhigyo ka sameystay Garoonka Diyaaradaha kismaayo, Dekada Magaalada Kismaayo Iyo Duleedka Waqooyi ee Magaalada Kismaayo,iyagoo dhinaca kale la sheegayo in Ciidamo horleh oo itoobiyaan ahi ay Kusoo wajahan yihiin Magaalada Kismaayo.
Ciidamada Itoobiya oo dalka soomaaliya ay ka joogaan laba ciidam oo mid uu ka tirsan yahay howlgalka AMISOM midna uusan ka tirsaneyn ayaan si dhab ah loo oogaan karin tirada ciidamada ee ka mid ah kuwa AMISOM maadaama ciidamo kale oo fara badan ay si iskeed ah ugu soo gelisay gudaha soomaaliya ah,wallow ay sheegeen inay fasax uga heystaan dowladda soomaaliya oo u ogolaatay inay ciidamo dheeraad ah dalka soo geliso sida ay tiri.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1POISGF
via IFTTT
No comments:
Post a Comment