Tuesday, January 19, 2016

Madaxda dowladda Soomaaliya oo wejigabax kala kulmay beesha Caalamka, loona sheegay inaan waqti korarsi loo sameyn doonin

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ka fileyso hogaamiyayaasha Soomaaliya inay si degdeg ah ugu soo gudbiyaan go'aan ku saabsan hab doorasho oo la isku raacsanyahay oo ay Soomaaliya qaadaneyso, isla markaana dowladda aan waqtiga loo kordhin doonin.
Bayaan laga daabacay website-ka xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in kulan ay madaxweyne Xasan Sheekh, Ra'isul wasaare Cumar C/rashiid iyo Guddoomiye Jawaari la yeesheen wakiilo ka socday Q/Midoobay, IGAD, Midwoga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden iyo Italy ay hoosta kaga xariiqeen rajadooda ah in hogaamiyayaasha Soomaaliya ay maalmaha soo socda soo gudbiyaan hanaan doorahso oo la isku raacsan yahay.
Waxay sidoo kale sheegeen inay ka filayaan qorshe fulineed iyo qariidad siyaasadeed oo Soomaaliya loo dejiyo 2016 illaa 2020, taasi oo ah waxa ay hogaamiyayaasha Soomaalida isku raaceen intii uu socday kulankii madasha wadatashiga qaran ee 16-kii December ka dhacay Muqdisho, beesha caalamka waxa ay sheegtay inay soo dhoweeneyso wada-hadalladii Kismaayo iyo farqiga u dhaxeeya madaxda Soomaalida ee sii yaraanaya, marka ay timaado habka doorashada ee 2016.
"Waxay aheyd arrin wanaagsan in hogaamiyayaasha Soomaaliya ay dhowr maalmood ku bixiyeen ka hadalka habka ugu wanaagsan uguna haboon ee doorashada Soomaaliya ee sanadkan" ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Qaramada Midoobay ka soo baxay, sidoo kale beesha calamaka waxay sheegtay in inkastoo ay ka niyad jabsan tahay inaan wax heshiis ah lagu gaarin Kismaayo, haddana ay soo dhaweyneyso in horumar laga sameeyey wada-hadalada.
Kulankii wakiilada caalamka ay la yeesheen hogaamiyayaasha dowladda federaalka Soomaaliya, waxa ay hoosta kaga xariiqeen inuusan jiri dooonin wax waqti ah oo loo kordhinayo hay'adaha dowladda ee iminka jira, sida golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta, beesha caalamka, waxa ay ugu baaqday madaxda Soomaalida inay danta qaranka wax walba ka hormariyaan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Qdtfca
via IFTTT

No comments:

Post a Comment