Wednesday, January 13, 2016

Shirkii ka furmay Jowhar oo dib loo dhigayo labo todobaad iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya sababta dib loogu dhigay

Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka furay degmada Jowhar shirka dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa habeen hore kulamo gaargaar ah la qaatay ergada shirkaas iyo Guddoomiyayaasha labada gobol, kulamada uu madaxweyne Xasan la yeeshay ergada ka qeyb qaadaneysa shirka dhismaha maamulka labada gobol ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo salka ku haya sidii loo qancin lahaa beelaha tabashada qaba ee weli saluugsan sida uu shirku ku furmaya.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay guddoomiyayaasha labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe, sidii loola fariisan lahaa beelaha looguna qancin lahaa inay ka qeyb-galaan shirka si loo helo maamul bulshada oo dhan ku wadda qanacsan tahay, waxayna iilo xog-ogaal ah ay sheegayaan in muddo labo todobaad ah dib loo dhigay shirka, sababo la xiriira ergada shirka oo weli kala dhiman iyo beelaha qaar oo aan si buuxda uga qeybgelin.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Max'ed Xusseen {Odawaa} ayaa isna sheegay in waqtigu uu aad ciriiri u yahay, sidaas daraadeed looga baahanyahay ergada inay ku dhaqsadaan dhismaha maamulka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ROtDPX
via IFTTT

No comments:

Post a Comment