Taliyaha Guud ee Milliteriga Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa ku eedeeyey Alshabaab inay Askarta ay qabsadeen ka dhiganayaan Gabaad (as human shields), waa sida uu hadalka u yiri, waxa uu intaasi ku daray inay hayaan warar sheegaya inay Alshabaab ka dhiganayaan Askarta Kenyanka ee ay ku qabsadeen dagaalkii Jimcihii lagu qaaday Saldhiga Ciiddanka Kenya ku lahaayeen deegaanka ceel-cadde gabaad si aan loo weerarin
War Qoraal ah oo uu soo saaray Taliyaha Guud ee Ciiddanka Kenya ayaa waxa uu ku sheegay inay socdaan hawlgalka lagu soo badbaadinayo Askarta Kenyaanka ee ay Alshabaab qabsadeen,wuxuuna intaasi kudaray inaysan Ciiddanka Ammaanka oggolaan doonin in Kenya soo gaaraan dhibaatooyin badan.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Milliteriga Kenya, Jeneral Samson Mwathethe waxa uu tilmaamay inay Alshabaab ugu geli doonaan Dhufeysyadooda isagoo ku dooday inuusan dhiigga Askarta Kenya ahayn mid aan qiimo lahayn sida uu yiri
Waxa uu sheegay Khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray weerarkii Ceel-cadde inuu yahay kii ugu dhimashadda badnaa, tan iyo markii ay Ciiddanka Kenya ku soo biireen howlgalka AMISOM sanadkii 2011-kii, ayna taasi ka jawaabi doonaaan,mana uusan sheegin taliyuhu tirada askarta Kenya ee lagu dilay weerarkaasi iyo kuwa looga qabsaday midna.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo 4 Askari oo ka mid ah Askartii Kenyaanka ee lagu dhaawacay weerarkii Ceel-cadde shalay laga dejiyey Garoonka Diyaaradaha Wilson Airport ee magaalladda Nairobi,si halkaasi loogu daweeyo
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1U5TySH
via IFTTT
No comments:
Post a Comment