Wednesday, January 6, 2016

Qarax ciidamada Kenya lagula eegtay gobolka Jubbada hoose iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qarax Miino oo khasaare kala duwan geystay lagula eegtay Kolonyo gaadiidka dagaalka ah oo ay wateen Ciidamada Kenya inta u dhexeyso deegaanada Qooqaani iyo Taabto oo hoostaga degmadaasi.
Dadka deegaanka oo qaarkood la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso , kaas oo haleelay mid ka mid ah Kolonyada gaadiid oo ay wateen Ciidamada Kenya,waxaana sid ay sheegeen halkaasi uu burbur xooggani ka soo gaaray ciidamadii saarnaa gaarigaasi inkastoo aan la ogeyn waxyeelada qaraxaasi ka soo gaartay ciidamada Kenya inta ay la,egtahay, iyadoo dhinac kale la sheegay inay ciidamadaasi qaraxa kadib socdaalkoodii sii wateen.
Dhinaca kale warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in gawaarida la qarxiyey ay wadeen sahay ciidan, ilaa haddana ma jirto cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay weerarkaasi,iyadoo sidoo kale aysan weli ka hadlin weerarkaasi saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1mE3gRA
via IFTTT

No comments:

Post a Comment