Tuesday, January 5, 2016

4 qof oo weerar iyo qarax ugu dhintay gobolka Bari oo ka tirsan deegaanada Puntland

Laba qof oo midi haweeney aheyd ayaa dhintay, seddex kalena waa ay dhaawacantay kadib markii dabley hubeysan ay habeen hore rasaas ku weerareen tuulo cusub oo dhawaan laga dhisay deegaan lagu magacaabo Xangey oo qiyaastii 142 KM u jirta magaalada Boosaaso, ma jirto cid sheegatay weererkaas, laamaha amaanka Puntland-na wax war ah kama soo saarin dhacdadaas, ilaa haddana lama sheegin sabababaha weerarkasi ka dambeeya.
Dhinaca kale, dhulka miyiga ahee u dhow degmada Burraan ee Gobolka Sanaag Bari ayaa la sheegay in ay Miino kula qaraxday barqanimadii shalay saddex caruur ah oo walaalo ah, halkaasina ay waxyeelo isugu jirta dhimasho dhaawac ka soo gaartay caruurtaasi.
Sida warku sheegayo Laba kamid ah carruurtaas, ayaa waxa ay ku dhinteen qaraxaasi minaada halka midka kale uu soo gaaray dhaawac aan la ogeyn xadka uu gaarsiisan yahay,waxaana hadda lagu dabiibayaa cisbitaalaka degmada Qardho.
Guddoomiyaha degmada Buraan, Bootaan Axmed Bootaan ayaa VOA u sheegay in qoyska dhibku ku dhacay ay ahaayeen reer guuraa, saddexda caruurta ahna ay xilliga miinadu ku kacday ilaalinayeen xoolo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1VHsSZn
via IFTTT

No comments:

Post a Comment