Friday, January 29, 2016

Maxkamad ku talla dalka Mareykanka ayaa xukun dheer ku riday nin Soomaali ah

Maxkamad ku taalla magaalada New York ayaa nin Soomaali ah ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah kadib markii uu qirtay inuu taageero u fiidyey xarakada Al-Shabaab oo dagaalka kula jirta Ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.
Xeerilaalinta Maraykanka ayaa sheegtay in ninkaasi oo lagu magacaabo Mahdi Xaashi kuna dhashay Soomaaliya uu ka tagay waddankii uu ku koray ee Biritan kuna laabtay Soomaaliya isagoo ku biiray Al-Shabaab,waxaana Mahdi Xaashi oo 26 jir ah xukuntay maxkamadda Brooklyn, New York Jimcihii shalay kadib markii uu bishii May ee sanadkii hore qirtay inuu taageero u fidiyey xarakada Al-Shabaab,iyadoo dhinaca kale Isla maxkamaddaasi ay usbuucii hore laba qof oo muwaadiniin reer Sweden ah oo la shaqaynayey Mahdi Xaashi ku xukuntay xabsiyo kala duwan.
Dhinaca kale Mahdi Xaashi oo la qabtay sanadkii 2012-ka xilligaasi oo uu ku sugnaa Bariga Afrika ayaa kadib waxaa loo wareejiyey dalka Maraykanka,waxayna dacwad-oogista mreykanku sheegtay inuu wadashaqayn la lahaa Cumar Xamaami iyo kooxda u dhalatay Maraykanka ee uu hoggaamin jiray.
Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay doonayaan inay qortaan dadka reer galbeedka ah sababtoo ah si dhib yar ayey iskaga gudbi karaan xuduudaha caalamka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pot9Q6
via IFTTT

No comments:

Post a Comment