Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay in aanay quseyn go'aanadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga qaran ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ee ahaa nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sanadkan.
Wasiir Waran Cadde ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaaliya oo ay ka go'een 25 sano ka hor sida uu yiri inay sheegtaan, isagoo xusay inay kala yihiin labo dal oo kala madax banaan.
"Waxaa layaab ah in 25-sano ka hor dal aan ka go'nay oo 1960 dowlad isku darsanay, waxaanu aheyn labo dowladood oo kala gumeysan jiray Ingiriiska iyo Talyaaniga, marka waa kala noqonay wada jirkeeni hore, waana wax aad iyo aad layaab u ah beenta iyo waxa ay sheegayaan"ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Waran-Cadde.
Waxaa uu sheegay inaysan jirin cid uga wakiil aheyd shirkii Madasha ee Xamar ka dhacay, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya sharciyad ka soo saareen arrimaha Soomaaliya iyo isku safarka labada dhinac, "Dal kala noqday dal kale wada jirkeeda inay maanta sheegtaan waa wax lagu qoslo, Waxa ay sheegayaan Somaliland wax ka quseeyo ma jirto, cid ka mas'uul ahna ma jirin, waxaa sharciyad ka soo saarnay in Soomaaliya iyo Somaliland in baasaboor labo dal ah kala leeyihiin oo ay isku safrayaan" ayuu yiri Cali Waran-Cadde.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1VwDcCY
via IFTTT
No comments:
Post a Comment