Sheekh ka mid ah culimaa'udiinka ugu waaweyn magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Sh.Maxamed Cabdi Carab ayaa shalay galabtii ka badbaaday isku day dil kadib markii ay koox dablay ah oo hubaysani rasaas la beegsadeen.
sida warku sheegayo Rag hubeysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa Sheekha rasaas ku furey shalay galinkii danbe, balse nasiib wanaag waa uu ka badbaaday,iyadoo sida la sheegay sheekhaasi lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Ila hadda lama oga sababta loo weeraray sheekhaasi iyo dableyda weerartay waxa ay tahay, iyadoo ilaa hadda aysan jirin cid sheegatay inay iyadu weerarkasi ka dambeysay
Ciidanka sirdoonka Somaliland ayaa ku howlan baaritaan lagu ogaanayo raggii hubeysnaa ee soo weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Carab, walow aysan weli ciidanku soo qaban raggii weerarka fuliyey.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Kc8ka2
via IFTTT
No comments:
Post a Comment