Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Kenya Manoah Esipisu ayaa sheegay inuu Madaxweynaha dowladda federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka qeyb geli doono baroor diiq iyo Aas qaran ee loo sameynayo askartii Kenyanka ee lagu dilay weerarkii ay Al-shabaab bishan 15-dii ku qaadeen xeradda Ceel-cadde ee gobalka Gedo.
Sida warku sheegayo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, Saraakiisha Sare ee Dowladda, Milliteriga iyo Qoysaska Askartii geeriyootay ayaa la filayaa inay maanta ka qeyb galaan Aaska Askartaasi oo lagu qaban doono Xerada Milliteriga ee Moi oo ku taalla Degmadda Eldoret ee Galbeedka Kenya.
Sidoo kale Madaxweynaha dalka Nigeria, Maxamadu Buhaari ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho 3 maalmood ah oo rasmi ah ku tago dalka Kenya,isagoo ka qeyb gali doono munaasabadda lagu aasayo Askarta Kenyanka ee ay Al-shabaab ku dileen Gobalka Gedo.
Dhinaca kale webseti-ka Idaacadda Capital FM ee Nairobi ayaa lagu qoray inay Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Somalia iyo Nigeria la filayo inay maalinta Jimcaha si wadajir ah ugu ambabaxaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, si ay uga qeyb galaan shirweynaha 26-aad ee Madaxweynayaasha dowladaha Afrikaanka oo furmi doona maalinta Sabtida ee soo socoto.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xarunta madaxtooyadda ee dowladda Soomaaliya weli kama soo bixin War ku aadan inuu Madaxweynuhu u ambabixi doono Nairobi, si uu uga qeyb galo Munaasabadda Aaska Askarta Kenyanka ee lagu diley Weerarkii Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen deegaanka Ceel-cadde.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nmYPul
via IFTTT
No comments:
Post a Comment