Guddoomiyaha Degamada Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo Cabdi Cali Cabdi Qoorleex ayaa ku dhaawacmay qarax lala eegtay gaari uu saarnaa oo ay lahaayeen ciidamada Kenya kaas oo marayay meel ku dhow deegaanka Likooleey, gudoomiyaha ayaa la socday ciidamada Kenya ee doraad ka guuray saldhigoodii Ceel-Cade ee dhawaan ay ku weerareen Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ka dhaawacmay labada lugood,haattana lagu daweynayo deegaanka wajeer oo ka tirsan gobolda soomaalid ee waqooyi bari Kenya.
Axmed Buulle Maxamed oo ah guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa VOA u xaqiijiyey in guddoomiyaha Ceel-Cadde uu labada lug ka dhaawacmay,haddana ay xaaladiisu ka soo reyneyso sida uu yiri Guddoomiyuhu
Wararku wuxuu intaasi ku darayaa in Ciidamada Kenya ee guddoomiyaha uu la socday sidoo kale lagu qaaday dagaal dhabagal ah ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen, xilli ay marayaan deegaanka Likooleey oo 40 KM u jira deegaanka Ceel-Cadde,waxaana la sheegay in ciidamada Kenya ay hadda gaareen deegaanka Dhamase oo ku dhow xudduudda ay wadagaan soomaaliya iyo Kenya.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QF78NG
via IFTTT
No comments:
Post a Comment