Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inay ciidankooda u joogaan Kismaayo, si ay ciidanka dowladda Soomaaliya gacan uga siiyaan howlgalka loogu magac daray, howlgalka Dooxadda Jubba ee ka dhanka ah Xarakadda Al-shabaab.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa hadalkan mar uu Ra'isul wasaraha Somaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke kula kulmay magaalada Kismaayo oo ay ka wada hadleen dagaalka Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobaladda Jubbooyinka, wasiirka waxa uu carrabka ku dhuftay inay Al-shabaab khatar ku yihiin dalalka gobalka, gaar ahaan dalka Ethiopia waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa kaga mahadceliyay dowladda Itoobiya taageerada ay ka geysanayaan soo celinta deganaanshaha guud ee Soomaaliya.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TTY0DY
via IFTTT
No comments:
Post a Comment