Kulan uu shalay yeeshay Baarlamaanka Koonfur galbeeed ayna soo xaadireen 137 mudane uuna shir gudoominayay gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka KG Cabdulahi Adan Mursal ayaa waxaa khudbado ku aadan waxqabadkooda kasoo jeediyay musharixiinta u taagan qabashada xilalka Gudoomiyaha iyo gudooomiye kuxigeenada Barlamaanka KMG.
Musharixiinta ayaa kaga hadlay khudbadahooda taariikh nololeedkooda iyo waxqabadkkooda haddii loo doorto xilalka kala duwan ee ay u tar tamayaan, waxaa gudoomiyanimada baarlamaanka Koonfur Galbeed u sharaxan Cali Xasan Cusmaa iyo C/qadir Sharif Shequna Maye halka gudoomiye kuxigeenka 1aad ay u sharaxanyihiin Maxamed Nuur Maxamed iyo Ibraahim Aadan Buulle ayada oo ay gudoomiye kuxigeenka 2aadna u sharaxanyahay Aweys Xuseen Macallin,waxayna xubnahaasi dhamantood jeediyeen khudbdo ay ku cbirayaan haddii l doorto waxa ay qabanayaan,iyadoo la filayo in maanta ay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisu ka dhacdo mgaalada Baydhabo.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ZHgRpf
via IFTTT
No comments:
Post a Comment