Friday, January 1, 2016

Magacyada xildhibaano isku soo taagay inay u tartamayaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed

Iyadoo dhawaan lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baydhaba doorashada guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa xilkaas isku soo taagay labo xildhibaan oo kawada tirsan baarlamaanka Koonfur galbeed.
Labada xildhibaan ee isku soo taagay xilkaas ayaa waxa ay kala yihiin Cali Xasan Cismaan oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska gaar ahaan kuwa kasoo jeedo gobolada Koonfur Galbeed iyo xildhibaan Cabdulqaadir Sheekhunaa oo isna ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden isla markaasna kasoo jeeda sidoo kale gobolada Koonfur Galbeed.
Labada xildhibaan ayaa waxa ay qado sharaf ugu sameeyeen magaalada Baydhaba qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaga oo ka codsaday in xilkaas loo doorto kana codnoqosaday xildhibaanada inay codkooda siiyaan marka codbixinta la gaaro.
Ku dhawaaqista xildhibaanadaasi inay u taagan yihiin xilka guddoomiyaha baarlamaanka G/galbeed ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii arbacada ee la soo dhaafay la soo dhameystiray markaa lagu dhawaaqay guddoomiye KMG ah oo muddo labo bilood ah xilka heynaya ,iyadoo sidoo kale la magacaabay guddiga doorashada ee guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed iyo ku-xigeenadiisa.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1P7osWB
via IFTTT

No comments:

Post a Comment