Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed, ayaa waxaa uu shalay shaaca ka qaaday in shacabka reer Gedo, ay soo badbaadiyeen 33 ka mid ah Ciidanka Kenya, ka dib markii ay ku firxadeen weerarkii Degmada Ceelcadde, guddoomiyaha, ayaa marka hore sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada ay diyaaradaha Kenya ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaanada hoos-tagga Degmada Ceelcadde.
"Waxaan ka xunahay Dowladda Kenya inay kala garan weydo cidda ay la dagaalameyso. Cidda ay la dagaalameyso waa Al-shabaab, meesha ay duqeymaha ka wado ee Gobolka Gedo waxaa degan dad shacab ah" ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha, ayaa yiri "Shacabka dhibaatada la gaarsiinaayana waa shacabkii la shaqeeyay Ciidanka Kenya oo badbaadiyay 33 askari oo Kenyan ah. Waxay tuseen wadooyinkii ay mari lahaayeen, biyihii ay cabi lahaayeen ayay siiyeen, illaa dalkooda Kenya ay ka galaan, dad Somaliyeed oo shacab ah ayaa u gurmaday".
Axmed Buule Maxamed, ayaa Dowladda Kenya ugu yeeray inay joojiso waxyeelada ay ku hayso shacabka, ayna ka xun yihiin in la dhibaateeyo dadkii la shaqeeyay Ciidanka Kenya, "Marka Kenya inay dhibaatayso shacabkii la shaqaynaayay aad ayaan uga xunahay, haddii aan nahay masuuliyiintii Gobolka, Kenya waxaan ugu baaqaynaa inay joojiso duqeymaha ka dhanka ah rayidka" ayuu yiri Axmed Buule Maxamed.
Gudoomiye Buule ayaa waxaa uu shalay hadalkan ka sheegay xarunta gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey oo lagu qabtay kulan looga hadlayey duqeymaha ay Kenya ka wado gobolkaasi.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nzr7Ca
via IFTTT
No comments:
Post a Comment