Monday, January 25, 2016

Baarlamaanka Soomaaliya oo loo qaybiyey qaraar ka dhan ah duqeynta Kenya ay ka waddo dalka iyo Ra’isul wasaaraha oo loo yeeray

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa waxaa loo qaybiyey qaraar looga horjeedo duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Kenya kawadaan qaybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya.
Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Somalia, Mahad C/lla Cawad oo Shir-guddoominayay kulankii shalay ayaa sheegay in qaraarka ka dhanka ah Duqeymaha ay Dowladda Kenya kawaddo gobolka Gedo ay ka mid tahay in Kenya ay si deg-deg ah duqeymaheeda u joojiso iyo in Guddi xaqiiqo-raadin ah loo diro gobolka Gedo, kuwaasoo u kuur-geli doona xaaladaha gobolkaas.
Sidoo kale, Baarlamaanka ayaa u yeeray ra'iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaake inuu ku horyimaado Baarlamaanka ugu dabmeyn illaa 30-ka bishaan Jannaayo, si wax looga weydiiyo duqeymaha ay dowladda Kenya kawado gobolka Gedo.
Kulanka oo ay soo xaadireen 148-xildhibaan; ayaa furitaankiisii waxaa lagu dhaariyay laba xildhibaan oo bedelaya laba xildhibaan oo midkood uu dhintay iyo mid kale oo iska casilay ka mid ahaansha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada shalay la dhaariyay ayaa waxay kala ahaayeen; Cabdi Shire Ciyaar-jacel iyo Cabdicasiis, iyadoo dhaarinta xildhibaanada kadib ay warbixin ka dhexgeysteen xildhibaanada baarlamaanku guddiga gaadiidka, garoomada ee baarlamaanka Soomaliya, kuwaas oo howlo shaqo u tagay deegaanada maamulka Koonfur-galbeed, isla markaana golaha u sharxay waxyaabihii ay soo arkeen.
Dhanka kale xildhibaanada Baarlamaanka ayaa akhrintii koowaad mariyey shalay sharciga Liil-tirka iyo Deeqaha ay yeelanayaan Siyaasiyiinta; kaasoo ay soo diyaariyeen Guddiga xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ayaa ugu baaqay Xildhibaannada ku maqan Goballada iyo dalka dibaddiisa inay soo Xaadiraan kulamada baarlamaanka, maadaama ay baarlamaanka horyaalaan ajandayaal muhiim ah.
Ugu dambeyn, xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa loo qaybiyay Qaraar ku saabsan Duqeynta ay Dowladda Kenya ay kawaddo qaybo ka mid ah Gobolka Gedo, Halkaasoo ay dhibaato xooggan kasoo gaartay dad xoolo dhaqata ah.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nkI5DR
via IFTTT

No comments:

Post a Comment