Maamulka Galmudug, ayaa sheegay inuu jiro wada hadal meel wanaagsan maraya oo u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, ku xigeenka Madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa tilmaamay in wada hadalkaan oo hada socda ay ka filayaan inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo anfaca dadka dega gobolada Mudug iyo Galgaduud sida uu yiri.
Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa wuxuu tilmaamay wada hadalka Ahlu Sunna ay kula jiraan inuu yahay mid lagu doonaayo in lagu soo afjaro Isfahamwaaga ka dhex taagan Galmudug iyo Ahlu Sunna, wuxuu tilmaamay qorshaha Galmudug mar waliba inay tahay nabad ku noolaanshaha Bulshada degta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo taasi laga duulayana Galmudug culeys badan ay saartay sidii Ahlu Sunna ay ula hadli laheyd.
Madaxweyne ku xigeenka oo wareysi siiyey idaacadda goob joog ayaan sheegin masuuliyiinta Ahlu Sunna u matalaysa wada hadalka uu sheegay inuu la yeeshay xubno ka tirsan Ahlu Sunna, ilaa iyo haddana maamulka ahlu sunna ee gobolada dhexe kama hadlin hadalkan cusub ee ka soo yeeray madaxda Galmudug.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1P7TkH8
via IFTTT
No comments:
Post a Comment