Monday, January 4, 2016

Taliyaha ciidamada Nabadsuggida degmada Baraawe oo la afduubtay iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya Taliyaha ciidamada nabadsuggidda degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose Xasan Cumar Xasan ayaa sheegay inay qafaasheen ciidan ka tirsan millateriga Somaliya, waxa uu sheegay ciidamada milateriga ee isaga qafaashay inay u geysteen jirdil kala duwan, isla markaana uusan garan karin sababta ka dambeysa qafaalka ay kula kaceen ciidankaasi. Xasan Cumar Xasan ayaa sheegay ciidanka AMISOM ay ka soo

Taliyaha ciidamada Nabadsuggida degmada Baraawe oo la afduubtay iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya
Taliyaha ciidamada nabadsuggidda degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose Xasan Cumar Xasan ayaa sheegay inay qafaasheen ciidan ka tirsan millateriga Somaliya, waxa uu sheegay ciidamada milateriga ee isaga qafaashay inay u geysteen jirdil kala duwan, isla markaana uusan garan karin sababta ka dambeysa qafaalka ay kula kaceen ciidankaasi.
Xasan Cumar Xasan ayaa sheegay ciidanka AMISOM ay ka soo ka xeeyeen milateriga, haddana uu ku xiranyahay saldhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin degmada Baraawe, wareysi uu siiyey idaacadda Mustaqbal ayuu taliyahaku sheegay inuusan sii bixin karin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xarigiisa iyo arrimaha ku aadan.
Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan arrimaha loo xiray taliyaha inay tahay arrimo ku saabsan dhanka qabiilka, maadaama Baraawe ay ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan dowladda Somaliya oo hab beeleed u abaabulnaa, saraakiisha ciidanka milateriga ee degmada Baraawe weli kama aysan hadlin dagaalka dhexmaray ciidanka Millateriga dowladda ka tirsan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PHfLVK
via IFTTT

No comments:

Post a Comment