Dowladaha Soomaaliya iyo ingiriiska ayaa shalay Heshiis Dhanka Ammaanka ah ku kala Saxiixday Xarunta Safaaradda Britain ee Muqdisho, iyadoo dhanka Soomaaliya uu heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka difaaca, C/qaadir Sh. Cali Diini, Halka dhanka Britain ay u saxiixday safiiradda u joogta Soomaaliya, Harriet Mathews.
Saxiixa heshiiska kadib ayuu wasiirka difaaca Soomaaliya sheegay in heshiiskaasi uu wax badan u Tarayo labada dal, isla markaana ka caawinayo inay labada dal iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah Soomaaliya, gobolka iyo caalamka intiisa kaleba.
"Heshiiskan wuxuu Soomaaliya ka caawin doonaa in awood ay u hesho dhismaha hay'adaha ammaanka iyo sidoo kale in labada Dal ay yeeshaan Wada-shaqayn dhaw oo la Xiriirta Amniga, si aan uga guuleysanno kooxaha Xag-jiriinta ah ee ku haya dhibatada Dalkeenna" ayuu yiri mar kale Wasiir Diini.
Jen. C/qaadir Diini ayaa xusay in Britain keliya aysan ka qayb qaadan xaqiijinta ammaanka dalka, laakiinse ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo badan oo ka mid yihiin siyaasadda iyo dhismaha ciidanka qalabka sida waa sida uu yiriye
Ugu dambeyn, Safiiradda dowladda ingiriiska ee Soomaaliya, Harriet Mathews ayaa iyana dhankeeda sheegtay inay mar walba la garab-taaganaan doonaan dowladda Soomaaliya Taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, iyadoo u Rajeysay dowladda Soomaaliya inay ku guulaysan doonto Qorshayaasheeda kala duwan.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nXExrU
via IFTTT
No comments:
Post a Comment