Wednesday, January 6, 2016

Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay ballaarineyso ganacsiga kala dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka kale deriska la ah

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sare u qaadayso ganacsiga ay la leedahay wadamada dariska ah, gaar ahaan Soomaaliya, agaasimaha guud ee machadka Ganacsiga Niil ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya Gebiresilasie Gebiregziabiher ayaa sheegey in itoobiya ay ballaarinayso ganacsiga kala dhaxeeya wadamada kala ah Soomaaliya, Sudan, Kenya, iyo Jabuuti.
Sida uu sheegay aggaasimuhu Kor u qaadista ganacsiga ayaa waxaa qeyb ka noqonaya dhismaha kaabayaasha sida waddooyinka, qadadka tareenada iyo balaarinta dekedaha, Itoobiya waxa ay heshiisyo ganacsi la leedahay wadamada Sudan oo ay la saxiixatay 2002-dii, Kenya oo ay la saxiixatay sanadkii 2012-kii iyo waliba Jabuuti, dhamaantoodna waxaa aad sare ugu kacay xaddiga ganacsiga ay laleedahay dalalkaasi.
Tusaale ahaan Sudan oo kale ganacsiga labada dal ka dhaxeeya waxa uu gaaray 184 malyuun oo doollar sanadkii 2014-tii, halka markii heshiiska la saxiixayay sanadkii 2002-dii uu ganacsiga dhanaa hal milyan oo kaliya sida uu uu aggaasimuhu sheegay.
Dalka Itoobiya ayaa waxa uu sanadihii dambe sameynayay horukac weyn oo xagga dhaqaalaha ah, iyada oo diirada la saarayay dhanka ganacsiga, lamana oga xiriirka ganacsi ee dhexmarikara soomaaliya iyo itoobiya waxa uu yahay, marka laga reebo ganacsiga qaadka oo la geeyo intii badan gobolada waqooyi galbeed iyo kuwa waqooyi bari ee Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1mE3eJw
via IFTTT

No comments:

Post a Comment