Wednesday, January 13, 2016

Maamulka Somaliland oo codsi u jeediyay dowl-adda Somaliya & Puntland, kana dalbaday…

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka maamulka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi {Cirro} ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa Somaliland iyo sida uu arko inay Somaaliya la midoobaan iyo wadahadaladii maamulkiisa kala dhaxeeyay dowladda federaalka ah ee Somaaliya.
C/raxmaan Cirro ayaa dadka reer Somaliland ugu baaqay inay diiwaangelinta iyo doorashada ka qayb galaan, isagoo guddiga doorashooyinkana ugu baaqay inay dulqaataan haddii ay mudadu ku dheeraato, waxaana la weydiiyay su'aal aheyd inuu la qabo madaxweynaha Somaliland hadalkiisii ahaa in Somaaliya ay ka kala kulmaan faragelinta oo xittaa amniga ammaanka maamulka Somaliland khatar ku ah.
"Horeyna way noo soo martay in faragelin ay ku sameeyaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland doorashooyinkii Somaliland, marka waxaan ka codsanyaa inay faragelinta naga daayaan, maadaama aanu nahay dad walaalo ah oo deris ah, iskuna fiican" ayuu yiri Cirro.
Mar la weydiiyay Cirro wadahadalada dowladda Somaaliya iyo maamulka Somailland ayuu ku jawaabay, "Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxaan qabaa inay sii socdaan, balse waxaan ku talinayaa in wax laga bedelo qaabka ay u socdaan, ugu dambeyn waxaa la weydiiyay C/raxmaan Cirro in haddii aqoonsi aanay weli helin inay habboon tahay inay shaqeeyaan midnimada Somaliland, ayuu wuxuu ku jawaabay.
"Somaliland muddo 20-sano ah ayey aqoonsi raadineysay, balse waxaa jira dalal badan oo muddo 70-sano ku dhow ay raadinayeen, marka waxaan qabaa inay aad u yartahay muddada aan ictiraafka raadinayno, go'aanka goosashaduna waa go'aan shacabi cid ka laaban kartana ma jirto".



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ROtEUe
via IFTTT

No comments:

Post a Comment