Tuesday, January 12, 2016

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo dignin culus ka soo saaray Bankiyada dalka laga furayo, sheegayna inaan..

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr. Bashiir Ciise Cali oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa amaro culus ka soo saaray furashada bangiyada sida gaarka loo leeyahay haddey ahaan lahaayeen kuwa ay furanayaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka ajaaniibta ah, wuxuuna uga digay in cid aan ruqsad ka heysan bankiga dhexe ee dalka aysan dalka ka furan karin wax bank ah.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in sharciga bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo sharciga hay'adaha maaliyadda ee dalka ay labaduba si buuxda u cadeynayaan inaan dalka Soomaaliya laga furi-karin Banki aan ruqsad ka heysan Banka dhexe ee Soomaaliya, sidaas awgeed aan marnaba la ogolaan doonin in dalka laga furo Banki aan ruqsad heysan.
"Banki kasta oo si sharci darro ah looga furo Soomaaliya isagoo aan heysan ruqsad waxa uu u bareeray inuu jebiyo shuruucda maaliyadeed ee dalka u dhigan iyo tan banka dhexe, wuxuuna ku muteysan doonaa ciqaab adag iyo laga mamnuuco inuu dalka ka shaqeysto" ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Dr. Bashiir.
Guddoomiye Bashiir waxa uu sheegay in dhawaan warbaahinta caalamka iyo tan Soomaaliya ay tabiyeen in Banki ajnabi ah oo ku magacaaban CAC International Bank laga furay magaalada Boosaaso, isagoo aan heysan wax ruqsad ah oo uu bixiyey banka dhexe ee Soomaaliya, arrintaasi oo ka soo horjeeda sharciga dalka iyo dhaqanka caalamiga ah ee bankiyada.
Haddaba banka dhexe ee Soomaaliya waxa uu ka soo saaray furashada bankiyada gaarka loo leeyahay ee aan ruqsad ka heysan Bank Somaliya amaradan kala ah: Inuu ka qaadi doono tallaabooyin sharciga waafaqsan gudaha iyo dibaddaba, Puntland oo xubin ka ah dowladda Soomaaliya waxay mas'uuliyadi ka saarantahay ilaalinta sharciga dalka iyo ku dhaqankiisa, waana inay joojisaa bangigaasi sharcidarda ah ee laga furay Boosaaso iyo wixii la mid ah inay ka shaqeeyaan deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ayuu uga digay Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya inay hantidooda dhigtaan Bangiga isku magacaabay CAC oo si sharci darro ah dalka u yimid, dowladda Soomaaliya-na aysan mas'uul ka aheyn hantidooda haddii ay macaamiil la sameystaan bangigaasi.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TTY1HL
via IFTTT

No comments:

Post a Comment