Saturday, January 9, 2016

Kulan lagu dhex dhexaadinayey Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho ka dhacay iyo labadaasi mas’uul oo sheegay inay…

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa shalay kulan ka dhacay magaalada muqdisho ku dhex dhexaadiyay madaxweynayasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbadland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay u dhaxeeyay kala aragti duwanaan.
Kulankan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka dambeeyay markii labada maamul uu soo kala dhex galay khilaaf ku aaddan maamulkii looga dhawaaqay Ceelbarde ee loogu magac daray Bakool Sare, iyadoo Koofur Galbeed ku eedeysay Jubbaland inay taageereyso mamulkaas.
. Gaba gabadii kulankaasi, ayaa labada hoggaamiye waxay si wada jir ah ula hadleen Saxaafadda, waxayna sheegeen in heshiis is afgarad ah laga gaaray khilaafkii labada Maamul u dhaxeeyay, muddooyinkaanba wixii dhimanna la dhameeyo iyadoo ay dowladda soomaaliya garwadeen ka noqoneysa hirgelinta waxyaabaha la isku afgartay
Ra'iisal Wasaaraha Somaliya oo hadalka ku horeeyay, ayaa wuxuu sheegay in labada dhinac ay isku waafaqeen in la dhameeyo khilaafyada iyo tabashooyinka jira,sidoo kalena laga wada qaybgalo Shirka Magaalada Kismaayo, lagana wada hadlo wixii khilaaf ah ee jira.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlay goobta kulanku soo dhamaaday ayaa sheegaya ayaa dhinacooda ay diyaar u yihiin inay xaliyaan wixii laga tabanayo dhinaca kalena sidaasi oo kale laga doonayo ,isagoo xusay in loo baahan yahay waxa laga heshiiyey in daacad laga noqdo loona fuliyo wixii lagu heshiiyey si dhaqso leh ,iyadoo fulinta howlahaasi ay u xilsaaran tahay dowladda soomaaliya ,wuxuuna intaasi ku daray in uusan isagu ka soo horjeedin shirka looga hadlay hiigsiga doorashooyinka soo socda ee dhamaadk sanadkan dhanka kale Axmed Maxamed Islaam oo isna ka hadlay dhamaadkii kulnkii dhexmaray isaga iyo shariif xasan ayaa sheegay, in muhiimadda oo dhan ee Kismaayo loo tegaayo, ay tahay hiigsiga sanadkan (2016), isla-markaana ay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ka wada hadleen khilaafkii jiray haddana ay diyaar u yihiin in la dhameeyo tabashooyinka jira,wuxuuna intaasi ku daray inuu doonayo inuu dhawaan booqdo magaalada baydhaba oo ah xarunta KMG ah ee Maamulka K/galbeed ee Soomaaliya.
Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo u muuqday inay isu soo dhawaadeen ayaa waxay Dowladda Somaliya kaga mahadceliyeen sida ay kaga shaqeysay, isku soo dhawaanshahooda.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1mMwrC1
via IFTTT

No comments:

Post a Comment