Fagaare ka tirsan gobalka Shabeelada hoose ayaa waxaa shalay galinkii dambe lagu dilay labo ruux lagu eedeeyey inay basasiin u ahaayeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda soomaaliya ,waxaana labadaasi nin toogtay ciidamo katisran Al-shabaab.
Fagaaraha lagu toogtay 2-dasi nin ayaa waxaa soo xaadiray kumanaan ka mid ah bulshada ku dhaqan gobalka Shabeelada hoose,waxaana mid kamid ah lagu eedeeyey in uu difaacyada u qodi jiray ciidamada AMISOM hadba markii ay duulaan ku qabsadaan deegaan ama degmo ka tirsan gobalka Shabeelada hoose,halka kan labaad lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa nabadsugida dowlada soomaaliya sidaasin waxaa goobtii lagu toognayey lbadaasi nin uga dhawaaqay qaadiga Maxkamadii xukunka ku ridy labadaasi ruux oo isla shalay la toogtay.
Labada nin ayaa lagu kala magacaabaa: Cabdi Eeney Deerow 33 jir, kaas oo lagu eedeeyay inuu AMISOM u qaabilsanaa qodista difaacyada sida maxkmaddu sheegtay, Asad Mayow Xaaji Cismaan 20 jir laguna eedeeyay inuu yahay xubin ka tirsan hay'adda Nabadsugidda dowlada Federaalka Soomaaliya sida maxkmaddu sheegtay.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Zt2UsY
via IFTTT
No comments:
Post a Comment