Monday, January 25, 2016

Shirkii Muqdisho uga furmay madaxda dowladda Somalida iyo kuwa maamul goboleedyada oo khilaaf uu ka dhashay iyo wasiir sheegay in shirka uu burburay

Iyadoo shalay galab ay shir isugu yimaadeen madaxda Somalida iyo beesha caalamka kaas oo la doonayey in mowqif mideysan ay la yimaadaan madaxda soomaalida gaar ahaan qaabka loo dhisi doono golayaasha barlamanka Soomaaliya ee Aqalka sare iyo kan hoose dabayaaqada sanadkan ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkaasi uu ku bilowday khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay dhinacyadii shirka ka qeybgalayey.
Sida warku sheegayo Kulankaasi ayaa markii hore waxaa furey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh isagoo ku timaamey in shirkii magaalada Kismayo ku soo dhamaadey, wuxuuna intaasi ku daray in lagu heshiiyey in aqalka hoose ee Barlamanka lagu soo dhiso 4.5 halka aqalka sare maamulada dalka ka jira ay si siman u qaybsanayaan balse Puntland iyo Somaliland loogu daro min sadex xubnood xildhibaanada aqalka sare madaama gobolo badan hoos yimaadaan,waxaana sida la sheegay ku raacay ra,iisulwasaaraha xukuumadda soomaaliya oo isna shirka ka hadlay.
Warar kale ayaa sheegaya in madaxweynuhu shirka ka sheegay in madaxda federaalka go'aamisey in aqalka hoose lagu soo dhiso 4.5 halka aqalka sare lagu soo dhiso maamulgoboleed balse Puntland iyo Somaliland loogu daro mid sadex xubnood sidaana waxaa sheegay wasiieka deegaanka puntland Cali C/laahi.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in madaxweynaha puntland oo shirkaasi ka hadlay uu ku gacansayray hadalkaasi, isagoo sheegay in hadalkaasi uu yahay mid aan macquul aheyn,islamarkaasna aysan meesha u imaanin inay dhageystaan go,aan ay soo jeedineyso dowldda soomaaliya balse ay u yimaadeen in laga wadahadlo go,aankii la qadaan lahaa sida uu yiri,wuxuuna intaasi ku daray in puntland aysan aqbaleyn wax aan ka aheyn in deegaan ama degmo lagu soo doorto aqalka hoose sidoo kalena aqalka sare lagu soo doorto 18-kii gobol ee uu dalku ka koobnaa markii ay dhacday xukuumaddii hore 1991-dii.
Wasiirka degaanka Puntland Cali C/laahi Warsame oo wareysi siiyey Radio Graowe isagoo ku sugan magaalada muqdisho kana mid ah waftiga madaxweynaha Puntland ee shirka ka qeybgelaya ayaa waxaa uu xaqiijiyey in shirkii uu hakad ku yimid ama uu buburey kadib markii madaxweynaha dowlada Federaalka la yimid goobta go'aan aan lagu heshiin.
Dr. Cali C/laahi waxaa kale oo uu sheegay in go'aankaasi ay ka horyimaadeen maamulada Puntland iyo Jubaland, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka Soomaaliya ahad Cabdalla Cawad uu goobta ka sheegay inaysan ka warheyn heshiiska madaxweynaha Soomaaliya uu shirka ka hor sheegay.
Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay inay doonayaan in aqalka hoose lagu soo xulo 4.5, halka kan sarena ay soo xulaan maamul Goboleedada, isla markaasna si siman loo soo xulo xubnaha aqalka sare oo an cidna wax gooni ah loogu darin.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu qabo in labada Aqal lagu soo xulo Nidaaamka 4.5 sidaana loo dayo ilaa inta dalka soomaaliya laga qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah
Khilaafka iyo kala aragti duwanaanta uu shirku shalay galay kadib ayaan la ogeyn waqtiga Wadahadalka la isugu soo noqonayo iyadoo wararka qaar sheegayaan in beesha caalamka siisey madaxada Somalida labo maalmood oo kale iney farqigooda ku soo yareeyaan shirkuna uu sii socdo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QxNN10
via IFTTT

No comments:

Post a Comment