Wednesday, January 27, 2016

Shirkii Wad-tashiga qaran oo la soo gabagabeeyay, laguna go’aamiyey nooca doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya {Qodobada laga soo saaray oo dhameystiran}

War-murtiyeed xalay kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay qaabka doorasho ee dalka ka dhicaysa dhamaadka Sanadkan 2016-ka, iyadoo lagu sheegay War-murtiyeedka in iyadoo la eegayo Duruufaha jira ee dhanka amniga ay madaxda Soomaalidu isla garteen in dalka doorasho ay ka dhacdo sanadkan.
Qodobada ku xusan War-murtiyeedka shirka ka soo baxay ayaa Waxaa ka mid ah inaysan jirin wax muddo kordhin loo sameynayo Hay'adaha Dowladda ee hadda shaqeynaya, kuwaasoo Waqtigooda Dastuuriga ahi ku eg-yahay dhamaadka Sanadkan.
Go'aannada lagu gaaray shirkii Wada-tashiga ayaa Waxa ay kala yihiin sida tan: Tirada kuraasta Baarlamanka Hoose ee dalka waa 275-kursi, xildhibaanada baarlamaanka hoose waxaa lagu soo xulayaa qaabka 4.5-ka, haweenka ka mid noqonaya Baarlamaanka hoose waa inay noqdaan 30%, codeynta iyo tirinta codadka waxay ka dhacayaan dhammaan Xarumaha Maamul-goboleedyada dalka oo ay ku jirto Somaliland.
Baarlamaanka sare ee dalka: Aqalka sare ee baarlamaanka waxaa la dhisi doonaa inta aan la dhisin Aqalka Hoose ee baarlamaanka, xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka dalka, Waxay ka koobaan doonaan 54-xubnood, 48-xubnood oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka si Simman ayaa loogu Qaybinayaa Dhamaan Maamulada Wadanka ka jira, sida Galmudug, Puntland, Jubbaland, Hiiraan/Sh/dhexe, Koonfur-gableed iyo Somaliland.
Lixda xubnood ee soo haray waxaa si siman loogu qaybinayaa Puntland iyo Somaliland, taas oo sabab looga dhigay inta ay dhisanaayeen iyo deegaanadooda oo fara badan, ugu yaraan 30% kuraaska Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo qoondeeyay inay haween noqdaan, xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka waxaa laga soo dooranayaa dhamaan deegaanada maamulada federaalka ah ee dalka ka jira.
Ugu dambeyn, Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay rajeynayso in Dhamaan Madaxda Maamul-goboleedyada dalka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Calaamkuba ay ku qanci doonaan qaabka Doorasho ee lagu heshiiyay, isla markaana halkaas horay looga sii socdo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QF7bZS
via IFTTT

No comments:

Post a Comment