War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabsho UNSOM ayaa waxaa looga hadlay dhismaha maamulka dhawaan looga dhawaaqay gobolka Bakool ee loo baxiyey Bakool sare, waxaana lagu yiri wrka "Qaramada Midoobay iyo beesha caalamku midna ma aqoonsanayo maamulka Bakool sare, waana maamul fowdo loo sameystay oo aan wax natiijo ah laheyn".
Dhinaca kale warka ka soo baxay Q/midooay ayaa looga hadlay dhex dhexaadin uu urur goboleedka IGAD ka dhex wado maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo labada ka jira gobolada dhexe ee dalka.
Warkan oo lagu qoray bogga twitter-ka ee UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay in xafiiska Qaramada Midoobay uu soo dhaweynayo wada hadalada laga dhex wado labada dhinac ee kala ah Galmudug iyo Ahlu Sunna, dhexdhexaadintaas waxay Qaramada Midoobay ku sheegtay in urur goboleedka IGAD uu wado dhankoodana ay taageerayaan.
Sidoo kale warkan xafiiska Qaramada Midoobay ka soo baxay waxaa lagu soo hadal qaaday shirka magaalada Kismaayo ka furmaya dhawaan ee looga hadlayo mustaqbalka doorashada Soomaaliya, waxayna Qaramada Midoobay ay madaxda dowladda u soo jeedisay inay go'aan ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta sanadkan bilowga.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S9HYba
via IFTTT
No comments:
Post a Comment