Danjiaha Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle iyo wasiirka beeraha Sacuudi Carabiya ayaa ku kulmay xarunta wasaaradda beeraha ee dalka Sacuudiga, kulankan waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil labada dhinac ka kala socday oo ka mid ahaayeen Saalim Macoow Xaaji oo ah la taliyaha koowaad iyo ku xigeenka safiirka iyo C/laahi Ibraahim Aadan oo ah xoghayaha seddexaad e safaaradda.
Intii uu socday kulanka ayaa si weyn loogu falanqeeyay arrimo la xiira dhinaca beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga ee labada dal, danjire Geelle ayaa wasiirka beeraha Sacuudiga ka codsadey in ganacsatada Soomaalida loo furo suuqyada Sacuudiga, loona ogolaado inay dalka Sacauudiya u dhoofiyaan hilibka xoolaha oo lagu diyaariyey dalka Soomaaliya gudahiisa.
Sidoo kale danjiruhu wuxuu dowladda Sacuudiga ka codsaday in Soomaaliya laga taageero horumarinta tacabka beeraha, gaar ahaan muuska Somaaliya iyo sidii loo sahlin lahaa iib geentooda dalkaasi, Geelle ayaa hadalkiisa ku daray in Soomaaliya ay leedahay bad dhererkeedu yahay 3,333-km oo uu ka buuxo kalluunka badan; loona baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo.
Ugu dambeyn wasiirka beeraha Sacuudiga ayaa sheegay inay mudnaan weyn siin doonaan Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday inuu gacan-weyn ka geysan doono sidii wax weyni ka qaban doono arrimaha safiirka Somalia ka codsaday.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/22DfCtq
via IFTTT
No comments:
Post a Comment