Monday, January 18, 2016

Dowladda Kenya oo sheegtay in 80-askari looga dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen xero ay ku lahaayeen gobolka Gedo

Dowladda Kenya ayaa shaacisay markii ugu horreysay in 80-askari oo ka tirsan ciidamadooda ay ku waxyeeloobeen weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Jimcihii la soo dhaafay saldhigga ciidamada Kenya ee Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, waxayna sheegtay in 80 ay isugu jiraan dhimasho iyo dhaawac intaba.
Inta badan ciidankan ayaa la sheegay inay weli maqan yihiin, kuwaas oo aan la ogeyn meel ay jaan-iyo-cirib dhigeen, balse waxaa socda baaritaanno la sheegay in lagu baadi-goobayo oo ay ka qayb-qaadanayaan ciidamada Cirka Kenya, sidoo kale qaar ka mid ah Ciidanka maqan ee Kenya ayaa waxay sheegtay Al-shabaab inay gacanta ku heyso iyagoo nool , kuwaas oo ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen intii uu socday weerarkii ay ku qaadeen saldhigga Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Wasiiradda gaashaandhigga Kenya Rachael Omamo oo warbaahinta kula hadashay Nairobi ayaa sheegtay in weerarka saldhigga ciidamadooda ay ku lahaayeen Soomaaliya loo adeegsaday qaraxyo is-miidaamin ah oo aad u khatar badnaa, waxayna tiri "Ciidamada Kenya ee ku waxyeeloobay weerarka waxay ka tirsanaayeen kuwa AMISOM ee Soomaaliya".
Saldhigga AMISOM ee Ceel-cadde ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamo Kenyan ah oo tiradooda lagu sheegay ilaa 250 askari, iyadoo Al-shabaab ay sheegeen inay dileen ku dhawaad 100-askari oo ka mid ahaa, 12 askari oo kalena ay gacanta ku dhigeen iyagoo nool, Recael Omamo ayaa xustay in howlgalka lagu baadi-goobayo ciidamadooda ka maqan uu billowday tan iyo markii weerarku dhacay ilaa iyo haddana uu sii socdo, uuna socon doono illaa lasoo badbaadinayo dhammaan ciidamada ka maqan.
Wasiiradda oo sii hadleysay ayaa xustay in weli xaaladda deegaankii u weerarku ka dhacay ay tahay mid khatar ah, ciidamada maqanna ay ku sugan yihiin xaalad khatar ah oo aan la Qiyaasi karin, iyadoo tiri "Qoysaskii ay askarta waxyeeladu soo gaartay ayaan marka hore u gudbinaynaa warbixin ku aadan khaaaraha sida uu u soo kala gaaray, markaas kadib ayaanan shacabka Kenya u soo gudbin doonnaa".



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QaIcMb
via IFTTT

No comments:

Post a Comment