Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Sheekh Maxamed islaan (Axmed Madoobe) ayaa shalay galab soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya si uu uga qayb galo shir ay isugu imaanayaan dhamaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliyey Wafdi kala duwan oo ka kala tirsan labada Gole ee maamulkiisa wuxuuna intii uusan ka soo ambabixin garoonka Kismaayo uu Saxaafaddaa u sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay in magaalada Muqdisho ay uga qeybgalayaan shirka wadatashiga aayaha Somalia,waxaana markii uu muqdisho soo gaaray uu la kulmay wakiilka xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya,lamana faahfaahin waxyaabihii laga wada hadlay inkastoo loo maleynayo arrimaha shirka iyo murka ka tagaan qaabka loo soo xulayo golayaasha dowladda soo socota gaar ahaan labada gole.
Shirka la filayo in madaxda soomaalidu isugu timaado ayaa sida wararka lagu helayo waxaa qeyb weyn ku leh wakiilada Beesha caalamka oo horay usoo saaray qoraal madaxda Soomaaliyeed ku dhiirigelinaya in heshiis gaaraan ka hor 28/01/2016.
Madaxweeyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu rajeeynayo in shirkaasi kasoo baxaan go'aano waxtar leh islamarkaana lagu dhameyn doono waxyaalaha dhiman,isagoo xusay in koh shirka uu kulamo kala duwan la yeelanayo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee soomaaliya iyo xubnaha kale ee beesha caalamka.
Ugu danbeyntii si rasmi ah looma sheegin xiliga uu shirku Furmayo, waxaana Madaxweyne Axmed Madoobe kaga soo horeeyay magaalada Muqdisho Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas,iyadoo la filayo in xubnaha hadda maqan ee ka kala tirsan madaxda maamulada dalka ka jira iyo madaxda dowladda soomaaliya la filayo inay muqdisho soo gaaran saacadaha soo socda.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ZXYMXD
via IFTTT
No comments:
Post a Comment