Warar lagu kalosoon yahay oo laga helay xubno ku dhow dhow shirka madaxda soomaalida ee doraad ka furmay magaalada muqdisho ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay kala aragti duwanaantii u dhaxaysay madaxda soomaalida taas oo ku aaddan qaabla loo soo xulayo xildhibaanada ka mid noqonaya labada gole ee dowladda soo socota taas oo lagu wado in la soo dhiso dhamaadka sanadkan aynu ku jirno.
Sida warku sheegayo Xubnaha beesha caalamka ka jooga magaalada Muqdisho ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay habeen hore ilaa shalay madaxada Somalida kulamadaasi oo diirada lagu saarayey sidii la isugu soo dhoweyn lahaa fikirada ay kala qabaan dhinacayada siyaasada Soomaaliya,inkastoo ilaa hadda aan laa sheegin wax horumar ah oo kulamadaasi laga gaaray,inkastoo ay weli socdaan dedaaladaasi ayna dhicikarto in waxwaliba si ked ah isu bedelaan lana gaaro heshiis.
Warar kale oo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in xalay ay xarunta Villa Somalia ay kulan sadex geesood ah ku yeesheen madaxweynaha Puntland, Jubaland iyo Ra'iisalwasaare Cumar C/rashiid, waxaana loomaleynayaa in uu Ra,iisulwasaaruhu isku dayayo sidii uu madaxda maamulada puntland iyo jubba uga dhaadhicin lahaa inay aqbalaan soo jeedinta ka timid dowladda Soomaaliya inkastoo aan la ogeyn inay aqbalayaan iyo in kale.
Dhinaca kale warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laga yaabo inuu madaxweyna Jubbaland uu maanta si deg deg ah ugu ambabaxo magaalada Kismayo,kadib markii Ciidamada Kenya ay baneeyeen fariisimo ay ku layeen deegaano ka kala tirsan gobolada J/hoose iyo gedo,ayna soo baxeen warar kale oo sheegaya inay dhici karto in ciidamada Kenya ay baneeyaan fariisimo kale oo ku yalla goboladaasi.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1SiCObE
via IFTTT
No comments:
Post a Comment