Shirkada POLY-GCL ee qandaraaska lagu siiyey soo saarida shidaalka Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegtay in ay dhamaystirtay qodista laba ceel, islamarkaana ay bilowday in ay daraasad ku sameyso inta kaydka shidaalku le'eg yahay,inkastoo dowladda Itoobiya ay horey u faafisay in gaaska ku jira goobahan lagu qiyaasay 4.7 trilyan oo gaas ah iyo 13.6 milyan foosto oo ah shidaal dareere ah.
Wasiiru-dowlaha arrimaha shidaalka ee dalka itoobiya Wakgari Furi, ayaa wakaalada wararaka ee Reuters u sheegay in howshu si degdeg ah u socoto oo laga yaabo in wax soo saarka shidaalka la bilaabo sanadkan, shidaalka Jeexdin iyo Ilaale ayaa markii ugu horeesay la ogaaday 1970-kii, laakiin wixii intaa ka dambeeyey daraasad buuxda laguma samayn sababo la xiriira dhanka amaanka iyo marinkii laga dhoofin lahaa dartood.
Kambaniga POLY-GCL oo si wadajir ah ay u leeyihiin dowlada Shiinaha iyo shirkad gaar ah oo fadhigeedu yahay Hong Kong ayaa balaayiin doolar ku maalgeliyey horumarinta shidaalka oo lagu wado in la soo saaro 2018-ka sida Itoobiya sheegtay.
Ururka ONLF oo dawlada Itoobiya dgaal kula jira ayaa hadda ka hor ugu baaqay shirkadaha shisheeyaha ah in aanay ka howlgelin goobahaas, maadama ayna amaan aheyn.
Dhanka kale, warbaahinta reer galbeedka ayaa xustay in jabhadu carqaladeyn karto barnaamijkan, inkasta oo ciidamada Itoobiya awooda ciidan ee jabhada aad u wiiqeen, shirkadda Shiinaha ah ayaa kutala jirta in ay shidaalkaasi ka dhoofiso dakada Jabuuti, iyada oo dhiseysa dhuumo dhaadher oo isku xidha goobaha shidaalka iyo dekedda dalka Jabuuti.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1P7ov4C
via IFTTT
No comments:
Post a Comment