Dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa dib uga soo cusboonaaday gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalada ay ka dhaceen deegaanka Buq-goosaar oo Beledweyn kaga beegan dhanka Galbeed, sida uu warku sheegayo dagaalkan oo socday 24-saac ee la soo dhafay ayaa xoogeystay shalay, kadib markii labada maleeshiyo beeleed ay mar kale dagaal isaga horyimadeen,waxaana inta la xaqiijiyey in dagaaladii shalay ay ku dhinteen ugu yaraan 7 ruux in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacantay dagaalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu daba socdo dagaalkii xalka laga gaaray ee bishii hore ka dhacay xaafada howl-wadaag ee degmada B/weyne, odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku adag tahay in deegaanka lagu dagaalamayo ay gaaraan, waxaana socda dadaalo la doonayo in dagaalka lagu joojiyo.
Labada beeleed ee dagaalamaya ayaa dhawaan waxaa heshiis xabad joojin kala dhex dhigay wafdi wasiiro ah oo ka socday Xukuumadda Soomaaliya iyo maamulk cusub ee gobolka hiiraan,ilaa haddana si rasmi ah looma oga waxa sababay in dagaal markale ka dhex bilowdo labadaasi beelood.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/22DfDxK
via IFTTT
No comments:
Post a Comment