Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug.
Axmed Madoobe iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, waxaana soo dhaweynta kadib Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Cadaado, halkaas oo xaflad weyn loogu sameeyay, isla markaasna ay khudbado ka jeediyeen madaxda Galmudug iyo Jubbaland.
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo madasha soo dhaweynta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada Axmed Madoobe ku yimid Cadaado, waxuuna sheegay in maamulada Jubbaland iyo Galmudug ka wada shaqaynayaan horumarinta dalka Soomaaliya iyo deegaanada ay maamulaan, isla markasna ay iskaashi kala duwan ka yeelanayaan arrimo kala duwan sida uu yiri.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tagitaankiisa magaalada cadaado isagoo xusay in 10-ka Bishaan Magaalada Kismaayo uu ka furmi doono Shir Gaar ah oo lagu heshiisiinayo Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Shirkaasi Gogoshiisa ay dhigtay Jubbaland islamarkaana ujeedka uu yahay sidii loo heshiisiin lahaa Maamulada Dariska ah ee Galmudug iyo Puntland,isagoo sheegay in sidoo kale uu Magaalada Kismaayo ka furmayo Shir looga hadlayo Hiigsiga Soomaaliya isla markaana lagu go'aaminayo nuuca Doorasho ee Dalka ka dhici karta dhamaadka Sanadkan 2016.
Dhanka kale wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland iyo kan Galmudug ay shalay iyo xalay kulmo gooni gooni yeesheen kuwaas oo aan la faahfaahin waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay kulamadaasi, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in kulamadooda ay labo arrimood diiradda ku sareen,kuwaas oo kala ah sida xal loogu heli karo khilaafka xooggan ee dhex aloosan madaxweynaha K/galbeed soomaaaliya iyo madaxda labada maamul eek ala ah Puntland iyo jubbaland kuwaas oo teegeeray maamul looga dhawaqay qeybo ka mid ah gobolka bakool iyo qodka kale oo ah cabsi laqaga qabo inuu dib u dhac ku yimaado shirka kismaayo lagu wado inuu ka dhaco 10 bishan iyo qodobo kale,mana jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay kulamada dhexmaray madaxda labada maamul ee Galmud iyo Jubaland, Axmed Madoobe ayaa ka codsaday Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, inuu u raaco magaalada boosaaso taas oo aan la ogeyn inuu aqbalay iyo in kale.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PgiOSa
via IFTTT
No comments:
Post a Comment