Tuesday, January 12, 2016

R/wasaare xigeenka Somaliya: Haddii aynu midnimo raadineyno waa inaynu marwalba xasuusanaa inaynu aheyn laba dal oo midoobay

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siyaasadda saxaafadda ku koobtay un Radio Muqdisho oo keliya, isagoo dowladda Soomaaliya ku canaantay haddii ay midnimo raadineyso inay xaqiiqsato in Soomaaliya aheyd laba dal oo midoobay, isla markaana si dheeli tiran looga warramo taariikhahooga oo aan dhinac qudha la soo qaadan.
Maxamed Cumar Carte Qaalib waxa uu tilmaamay in warbaahinta Somaliland ay tahay mid ka taariikh dheer kana fac weyn tan Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay idaacadda Radio Hargeysa oo ah idaacaddii ugu horaysay ee adduunka Afsoomaali ku hadasha.
"Markaan eegay lifaaqa siyaasadda saxaafadda Soomaaliya taariikhda waxaa lagu soo koobay un Radio Muqdisho, laakiin waxa la doonayaa marka laga hadlayo warbaahinta khaasatan inay jirtay oo dagaalkii labaad ee adduunka kadib meelo wararka laga sheego oo ka jiray Hargeysa iyo Burco, iyadoo markii dambe uu halkaasi ka bilaabmay Radio Hargeysa, markaas waxaynu dooneynaa haddii aynu ka hadleyno taariikhda warbaahinta waa in aynu marwalba xasuusanaa in Soomaaliya ay aheyd laba dal oo midoobay, markaas inaydun taariikhda dhinaca kalena soo qaadataan ayaa muhiima oo aad ku dartaan si markaas ay uga muuqato, haddii aynu midnimo raadineyno inay ka muuqato labada dhinacba oo aysan qayb keliya un ka muuqan" ayuu yiri R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
R/wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka shirweynaha qaran ee horumarinta saxaafadda Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka furmay, Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya xilalka sare ka haya isla markaanna ka soo jeeda deegaan ahaan Somaliland.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TTY1aO
via IFTTT

No comments:

Post a Comment