Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka qayb-galey xaflad lagu furayay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo dhawaan dayac-tir lagu sameeyay, Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka Garoonka ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan uu ka tarjumayo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
"Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isku bogaadiyo, waa maalin reyn-reyn leh, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaraa waxaa sal u ah nabadda. Shacabka reer Boosaaso iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawl-karnimo iyo sida ay uga go'an tahay inay nabadda iyo horumarka u taageeraan. Guusha lagu hir-galiyay mashruucan waxaa iska leh Somalia oo dhan" ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in dowladda federaalka Soomaaliya ay dhiirri-gelinayso mashaariicda horumarinta dalka, isla markaana dhawaan ay gacan ka gaysatay Mashruucii lagu dhisay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dhanka siyaasadda iyo Nabad-gelyada ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa la sameynayo horumarro la taaban karo, isla markaana maamullada dalka ka jira ay dadaal weyn ugu jiraan inay si buuxda u hantaan ammaanka dhulka ay ka taliyaan.
"Wax weyn ayaan qabanay, wax badanna way inoo dhimman yihiin. Waxaa keliya ee aan horumar ku gaari karnaa waa midnimo iyo dowladnimo. Nidaam federaal ah ayuu dalku qaatay, walow ay weli harsan yihiin dhameystirka sharciyada iyo caqabado jira oo dhanka amniga ah. maamulada dalka ka jira oo dhan kuma wada-guuleysan inay hantaan dhamaan ammaanka dhulalka ay ka taliyaan, laakiin waxaa hubaal ah in dadaalka socda uu aakhirka horseedi doono in laga guul-gaaro hadafka aan leenahay oo ah inaan dalka oo dhan nabad iyo horumar ku soo dabaalno,'' ayuu mar kale yiri madaxweyne xasan sheikh oo dhinaca kale sheegay in inta uu joogo degmada Boosaaso uu ka qayb-geli doono kulammo wadatashi oo ku saabsan mustaqbalka Siyaasadda Dalka Soomaaliya iyo dib u dhiska Qaranka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo isna xafladda hadal ka jeediyay ayaa xusay in wadamadii gacanta ka geystay dhismaha garoonkan uusan la'aantood hir-geli lahayn, isagoo garoonka ku tilmaamay mid guul u ah dhamaan ummadda Soomaaliyeed, isla markaasna ay shacabka Puntland uga maarmi doonaan caqabado badan oo ka haystay xiriirada ganacsi iyo kan bulsho ee ay laleedahay dalalka Carabta iyo Afrika oo Punland uu kala dhexeeyo xiriir ganacsi oo taariikhi ah iyo wadamada kale ee dibadda kuwaas oo ay ku kala nool yihiin dadka reer Puntland.
"Garoonka dhismihiisa waan ku guuleysanay… waxaase sheegayaa inuu toddobaadka soo socda uu imaan doono markabkii siday qalbkii lagu ballaarin lahaa dekedda Boosaaso, taasoo xaqiijinaysa siduu u dhaboobay ballan-qaadkii xukuumaddiisu bixisay xilligii doorashada oo ahaa inay ka shaqeynayso horumarinta kaabayaasha Puntland" ayuu yiri C/weli Gaas.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S9HRfE
via IFTTT
No comments:
Post a Comment