Taliyihii madaxda ka ahaa ciidamadii Kenya ee lagu weeraray Jicihii hore deegaanka ceel cadde ayaa la sheegayaa in nolol iyo geeri aan midna lagu heynin ilaa hadda sidaasina waxaa sheegay qaar ka mid ah askartii ciidamada Kenya ee weerarkaasi ka badbaaday.
Taliyaha oo aan ilaa hadda la ogeyn inuu dhintay iyo in kale ayay warar kale sheegayaan inuu kamid yahay ciidamo iyo saraakiil gacanta u galay xarakada Al-shabaab oo weerarkaasi iyadu ku qaaday ciidamadii Kenya ee saldhiggaasi ku sugnaa.
Saraakiisha Al-shabaab ayaa horey u sheegay inay nolol ku hayaan 12 askari oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo caadi ah kuwaas oo ka tirsanaa ciidamada dalka Kenya,kuwaas oo ay ku qabteen weerarkii ay jimcihii la soo dhaafay ku qaateen saldhigii ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-cadda,inkastoo aysan si cad u sheegin in iyagu ay gacanta ku hayaan taliyihii ciidamada Kenya ee saldhigga Ceel cadde.
Dhinaca kale waxaa weli gaaraya gudaha dalka Kenya qaar kamid ah askartii firxatay ee ka carartay dagaalkii Ceel cadde,waxaana dhowr askari oo kamid ahaa ahaa askartaasi ay shalay gaareen deegaano hoostaga degmada Ceel waaq ee gobolka gedo halkaasi oo ay xaduudka uga gudbeen dhinaca dalka kenya,mana jirto ilaa hadda cid si rasmi ah u xaqiijin karta taliyahaasi maqani halka uu jiro iyadoo dowladda Kenya aysan weli arrintaasi ka hadlin.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Oyhwo3
via IFTTT
No comments:
Post a Comment