Sunday, January 24, 2016

Afhayeenka Issimada Puntland: Madaxda Puntland ha caddeeyaan mowqifkooda ku aadan dagaalada ka socda G/Sool iyo Cayn

Qaar kamid ah Isimadda Puntland ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in uu cadeeyo mawqifkiisa ku aaddan arrimaha dagaalada ee hadda ka socda Gobalada Sool & Cayn oo labaduba kamid ah dhulka Puntland sida ay yirahdeen isla markaasna maalmihii ugu dambeyeey ay ku dagaalamayeen Maleeshiyo ka tirsan maamulka khaatimo & Ciidamada Maamulka Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan sameynayay.
Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ah Afhayeenka Isimada Puntland ayaa ugu baaqay madaxda puntland in ay cadeyso siyaasadeeda ku aaddan arrimaha dagaaladaasi soo noqnoqday iyo soo celinta gobalada maqan ee Puntland oo dhan iyadoo la fulinayo dastuurka Puntland iyo midnimada Puntland.
Afhayeenka isimada Puntland ayaa sheegay in aysan marnaba u dulqaadan karin duulaanka lagu hayo shacabka gobalada Sool & Cayn, isagoo sheegay in la gaaray xilligii ay puntland gudan lahayd waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saaran dalka.
Hadalkan ayaa imanayo iyadoo mas'uul ka tirsan Khaatumo uu sheegay in ay iyagu mas'uul ka ahaayeen weeraradii ugu danbeeyay ee dhacayay u jeedkooduna yahay ka bixitaanka Ciidmada Somaliland ee Gobalada Sool iyo Cayn.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ZXYRKG
via IFTTT

No comments:

Post a Comment